Dab dhibaato wayn ka gaystay gobolka California ee Maraykanka

Qoraalka Muuqaalka, Dabka qabsaday deegaanka wine
Published

Qaybo ka mid ah gobolka California ee dalka Maraykanka ayuu ka kacay dab si xawli ah ku faafaya oo dilay ugu yaraan 10 ruux.

Daad gurayn baaxadleh ayaa la sameeyay, ugu yaraan 1,500 oo dhismana way ku burbureen, toddobo ruuxna waxay ku dhinteen deegaanka Sonoma, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dad lagu qiyaasay 20,000 ayaa isaga qaxay deegannada Napa, Sonoma iyo Yuba, ka dib markii gobolkaasi uu qabsaday mid ka mid ah dababkii ugu xumaa ee soo mara.

Ugu ayaraan 14 dab ayaa ka kacaya deegaannada gobolka California
Qoraalka sawirka, Ugu ayaraan 14 dab ayaa ka kacaya deegaannada gobolka California

Badhasaabka gobolka California ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

"Dabkan ayaa burburiyay dhismeyaal walina halis ku sii haya kumannaan guryo, taas oo daruuri ka dhigaysa in kumannaan dad ah la daad gureeyo," ayaa lagu sheegay baaqa badhasaabka.

Map locator
A house frame is totally set alight
Qoraalka sawirka, Officials say at least one person has died and about 1,500 buildings have been destroyed overnight

The fires are particularly fast-spreading because of the combination of high winds, low humidity and hot, dry weather.

Burburkii ka soo haray guryaha gubtay
Qoraalka sawirka, Burburkii ka soo haray guryaha gubtay