Hantiwadaagga Venezuela oo oo guul ka gaaray doorashada lagu murmay

Nicolas Maduro
Qoraalka sawirka, Nicolas Maduro
Published

Guddiga doorashada ee dalka Venezuela ayaa sheegay in xisbiga hantiwadaaga ah uu ku guulaystay 17 kursi oo ka mid ah 23kii barasaab ee deegaannada dalkaas laga soo dooranayay.

Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa ammaanay guusha u soo hoyatay chavismo, oraahdaas oo ah astaan xisbigiisa loo yaqaanno oo uu bixiyay madaxweynihii hore ee dalka Venezuela, Hugo Chavez.

Laakiin hogaamiyeyaaasha mucaaradka ayaa doorashada ku eedeeyay wax isdabomarin.

Isbahaysiga ay ku midaysan yihiin mucaaradka ayaa diiday in ay aqoonsadaan natiijada, waxayna dalbadeen in dib u eegid buuxda lagu sameeyo, sida uu sheegay Gerardo Blyde oo ah madaxa ol'olahooda.

Aragtiyo dadwaynaha laga arruuriyay ayaa tilmaamayay in mucaaradku ay heli doonaan inta u dhaxaysa 11 ilaa 18 kursi oo gafarnatoore.

Venezuela ayaa wajahaysa cunno yari baahsan, dhaqaale xumo iyo qas siyaasadeed taas oo ay ka mid tahay in kabadan 100 ruux oo ku dhimatay dibadbaxyo.

Sannadkan horraantiisii Maraykanka ayaa cunaqabatayn dul dhigay qaar ka mid ah masuuliyiinta Venezuelan.

Wasiirka maaliyadda ee Maraykanka Steven Mnuchin ayaa sheegay in dalkiisu uusan indha ka qabsan doonin "dadaaladda socda ee uu Maduro ku minjaxaabinayo, dimuqraadiyadda, xoriyadda iyo kaladambaynta sharciga.