Maxaa sababay in maxkamadda ugu sarreysa Kenya ay maanta fariisan weydo?

EPA
Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Kenya David Maraga
Published

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Kenya, David Maraga, ayaa sheegay in maxkamaddu aysan go'aan ka gaari karin dacwad la doonayay in dib loogu dhigo doorashada ku celiska ahi iyo in kale.

David Maraga ayaa sheegay in garsooreyaasha maxkamadda oo toddobo ahaa aysan u suurtagelin dhammaantood in ay soo xaadiraan maxkamadda.

Ku xigeenkiisa ayaa maqnayd kaddib markii talaadadii shalay ahayd toogasho lagu dhaawacay mid ka mid ah ilaaladeeda.

Doorashada ayaa hadda lagu wadaa in ay qabsoonto xilligii loogu tala galay.

Maxkamaddan ayaa kal hore laashay natiijada doorashadii madaxtinnimada ee dalka ka dhacday billowgii bishii Agost, sababo la xiriira khaladaad dhanka farsamada ahi.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay doorashadan ku celiska ahi, waxa uuna sheegay in wax isbadal ah aan wali la sameyn oo aan la sixin khaladaadkaasi.

Madaxweyne Uhurur Kenyatta oo doonayo in mar labaad xilkaasi loo soo doorto ayaa sheegay in ay khasab tahay in doorashadu ay dhacdo wakhtidgii loogu tala galay.

Uhuru Kenyatta

Sida uu qabo sharciga, ugu yaraan shan garsoore ayay tahay in ay maxkamadda soo xaadiraan si ay u dhageysto dacwad ama ay go'aan u gaarto balse Maraga ayaa sheegay in gabadha ku xigeenkiisa ahi Philomena Mwilu aysan u suurtagelin in ay maxkamadda timaaddo.

Dhaawaca mid ka mid ah ilaaladeeda oo talaadadii toogasho lagu dhaawacay ayaa hadda lagu dabiibayaa cusbital ku yaalla magaalada Nairobi.

Garsoore kale ayuu Maraga sheegay in uu soo xaadiri waayay maxkamadda maadaama sababo caafimaad awgood uu dalka uga maqan yahay.

Labo garsoore oo kale ayaysan iyaguna u suurtagelin in ay ka soo qeybgalaan dhageysiga dacwadda mana uusan caddeyn sababta halka mid kale oo joogay meel ka baxsan caasimadda Nairobi ay u suurtageli weyday in ay hesho duulimaad ay ku timaaddo Nairobi.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa raalligelin u jeediyay dhammaan axsaabta ay arrintani khuseysay.