Qurbejoog qaranjoogta kala haga
Published
Inta badan Soomaalida qurbaha kasoo laabata ayaa Soomaaliya u doonta xilal waawayn ama fursado ganacsi.
Bashiir Xiis Khaliif waa madaxa howlgalka taraafikada Jubaland, wuxuu dhawaan ka soo laabtay dalka Canada oo uu muddo dhowr iyo labaatan sano ah ku noolaa, balse waxa uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo si uu khibraddiisa ugu hormariyo taraafikada magaaladaasi.
Faadumo Macallin Abuukar ayaa wareysatay, ugu horreyna waxay weydiisay sababta ku dhalisay inuu dib u soo laabto oo taraafikada ka shaqeeyo isagoo laga yaabo inuu heli karay shaqooyin sar sare.