Sacad Al-Xariiri oo aad loogu soo dhaweeyay magaalada Paris

Xigashada Sawirka, Getty Images
Siyaasiga reer Lubnaan Sacad Xariiri ayaa magaalada Paris ee waddanka Faransiiska waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Emmanuel Macron.
Labada nin ayaa ka wada arrinsanaya xaaaldda dalka Lubnaan kaddib markii Xariiri uu si lama filaan ah laba usbuuc ka hor uga dhawaaqay iscasilaaddiisa dalka Sucuudiga.
Dadka reer Lubnaan ayaa rumeysan in Sucuudigu ay cadaadis ku saareen in uu iscasilo isla markaana ay xoog ku haysteen.
Xariiri ayaa arrintaasi beeniyay, waxana wararka Lubnaan ka imaanaya ay sheegayaan in madaxweynaha dalkaasi uu u xaqiijiyay in arbacada soo socota uu Lubnaan ku laaban doono.
Ra'iisalwasaarihii hore ee Lubnaan ayaa ka dhoofay Sucuudiga oo uu ku sugnaa tan iyo markii uu shaaciyay in uu xilkaasi iska casilay.
Socdaalka Xariiri ayaa muujinayaa marxalad cusub oo ay gashay xiisadda gobolka ka jirta iyo hadal haynteeda.
Waxa uu horey ururka Xisbullah iyo dalka Iran ee taageeraa uu ku eedeeyay in ay sabab u yihiin xasillooni darrada ka taagan gobolka.



















