Dowladda Maraykanka oo ka hortimid iibka shirkadda leh CNN

Shirkadan ayaa waxaa iibsaday tan isgaarsiinta ee AT&T , wuxuuna iibka ku kacayaa 80 bilyan oo doolar.
Qoraalka sawirka, Shirkadan ayaa waxaa iibsaday tan isgaarsiinta ee AT&T , wuxuuna iibka ku kacayaa 80 bilyan oo doolar.
Published

Wasaaradda caddaalada Maraykanka ayaa gal dacwadeed ka furtay iibsiga shirkadda Time Warner ee leh taleefishinka CNN-ka iyo shirkado kale oo aflaamta jila, waxayna wasaaradda sheegtay in heshiiska uusan ahayn mid xalaal ah.

Shirkadan ayaa waxaa iibsaday tan isgaarsiinta ee AT&T , wuxuuna iibka ku kacayaa 80 bilyan oo doolar.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sanadkii hore isaga oo ololaha doorashada ku jira diiday iibka, taas oo xaaladda uga sii dartay.

Maareeyaha shirkadda AT&T Randall Stephenson ayaa sheegay in uu ka shakisanyahay in arrintan muran loo galiyay sababo siyaasadeed. Waxa la ogyahay in Trump uu aad u naqdiyo taleefishinka CNN-ta.

Dacwadda ay wasaaradda furatay ayaa waxaa lagu sheegay in kala iibsigan uu dhaawici karo macaamiisha Amerikan ah.

George Hay oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Cornell ayaa sheegay in heshiiska lagula wareegayo Time Warner uu yahay mid mudan in dib u eegis lagu sameeyo, balse ay sidoo kale xusid mudantahay in madaxweynahana uu arrintan ka hadlay ay shaki dhalin karto.

Trump ayaa sanadkii hore heshiiskan ka yiri "Ma ansixin doono heshiiskan haddii aan madaxweyne noqdo, sababtoo ah waa awood badan oo hal gacan la'isugu geynayo".

Maareeyahaya AT&T Randall Stephenson (Midig) iyo madaxweyne Donald Trump
Qoraalka sawirka, Maareeyahaya AT&T Randall Stephenson (Midig) iyo madaxweyne Donald Trump

Wasaaradda ayaa ku doodaysa in heshiiska uu siinayo shirkadda AT&T awoodda ah in lagu qasbo shirkadaha kale ee taleefishinada in ay ay boqolaal malyan oo doolar ku bixiyaan wax soosaarka shirkadda Time Warner.

Shirkadda AT&T ayaa beenisay in heshiiskan ganacsi uu horseedi doono lacago badan oo ay ka qaadaan shirkadaha kale.

Warbaahinta Maraykanka qaarkeed ayaa tabinaysa in wasaaradda caddaalada ay ku riixayso AT&T in ay iska iibiso qaar ka mid ah saamigeeda, sidaasna ay tahay shuruuda lagu aqbali karo in heshiiska la ansixiyo.

Shirkadda Time Warner ayaa waxa ay leedahay shirkadda HBO oo soo saartay filimka Game of Trones
Qoraalka sawirka, Shirkadda Time Warner ayaa waxa ay leedahay shirkadda HBO oo soo saartay filimka Game of Trones