Dhageyso:Nabadaynta Suuriya oo laga shiraayo
Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, ayaa la shiray dhiggiisa Turkiga iyo Iran oo ay kaga wadahadlayaan sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa colaadda Suuriya.
Gabagabadii shirkaas oo ka dhacay magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa Putin waxa uu sheegay in saddexda hogaamiye isla qaateen aragti ah in dadka reer Suuriya loo qabto shirweyne noqda talaabadii ugu horaysay ee lagu gaadhay wada xaajood lagu soo af-jaro dagaalka dalkaa ka socda.
Waxaanu Putin intaa ku daray in ay saddexdooduba fareen saraakiisha nabad gelyada iyo dublomaasiyadda in ay ka wada shaqeeyaan qaab dhismeedka shirweynahaas oo mudada uu qabsoomayana qoondeeyaan.
Hadaba qorshahan saddexdaa hogaamiye ma noqon doonaa mid xal waara u horseeda Suuriya, Axmed Tiir oo ka faalooda siyaasadda dunida guud ahaan iyo gaar ahaan dunida Muslimka ayaa uga waramay Axmed Badar