MSF: khasaare ba'an ayaa ka dhashay duqeymaha bariga Qowdhah

suuriya
Published

Hay'adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF ayaa sheegeysa in duqeymaha ka dhanka ah deegaanka go'doonsan ee ay fallaagadu maamusho ee bariga Qowdhah ee u dhow magaalada Dimishiq ay geysanayaan dhimasho iyo dhaawac badan isla markaana xarumaha caafimaadka ee halkaasi ku yaalla aysan awooddin in ay wax ka qabtaan dadka ay duqeymahaasi dhibaatada ka soo gaartay.

Ciidamda dowladda ayaa labo usbuuc ka hor duulaan cusub ku qaaday bariga Qowdhah.

Hay'adda MSF ayaa sheegeysa in ilaa axaddii la soo dhaafay duulaankaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 70 qof, halka in ka badan 570 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 18 qof oo kale la dilay laga soo billaabo maalintii axadda ahayd.

Hay'adda MSF ayaa sheegeysa in afar meelood hal meel dadka dhibaatada ay soo gaartay ay yihiin haween iyo carruur.

Deegaanka ay duqeymaha ka dhacayaan ayaa muddo sanaddo ah waxaa ku go'doonsanaa qiyaastii 400,000 oo qof oo rayid ah.

Waddamada Turkiga, Iraan iyo Ruushka ayaa degmadaasi ka dhigay mid ka caagan colaadda, waxa ayna ku baaqeen xabbad joojin labada maalmood ee soo socota.

Wareeg cusub oo ah wadahadallo nabadeed oo ay Qaraamada Midoobey garwadeen ka tahay ayaa lagu wadaa in usbuucaan uu ka billowdo magaalada Geneva balse ilaa iyo hadda ka cadda in dowladda Suuriya ay ka soo qeybgali doonto maadaama ay waddo duqeymo cusub oo ka dhan ah dhulka uu mucaaradka haysta si mustaqbalka ay uga taqluusto.