Wararka BBC Somali ee loogu akhriska badnaa todobaadkan

Published

Halkan akhriso qaar ka mid ah sheekooyiinkii loogu akhriska badnaa isbuucan ee aan ku daabacnay Barta BBC Somali

Maqaalkan wuxuu ku saabsan yahay Caro ka dhalatay nin Israa'iili ah oo isku soo sawiray masjika nebiga

Wuxuu sheegay in dadka Carabta ah ee uu la kulmay ay u muujiyeen "kalgacayl iyo maxabo
Qoraalka sawirka, Wuxuu sheegay in dadka Carabta ah ee uu la kulmay ay u muujiyeen "kalgacayl iyo maxabo

Waxaa la baahiyay muuqaal aan caadi ahayn oo laga duubay askarigii Kuuriyada Waqooyi dhawaan uga baxsaday dhanka xadka.

Tariikhdu markay ahayd 13kii Nofembar askari ayaa gaari u eryay dhanka Koonfurta Kuuriya isagoo la rasaasaynayo.

Goobta uu ka tallaabay ayaa ka tirsan xadka uu dhererkiisu yahay 250km, goobtaas oo ah midda kali ah ee ay askarta labada dal iska arki karaan.

Waxay ku taallaa tuulada Panmunjom oo caan ku ah dalxiiseyaasha Kuuriyada Koonfureed.

Ciidammada Qaramada Midoobay ee dusha kala socda xaaladda milatari ayaa sheegay in muuqaalku uu muujiyay in si cad loogu xad gudbay xadkii la jeexay dagaalkii Kuuriya ka dib, iyadoo ciidammada Kuuriyada Waqooyi ee rasaasta furayay ay ka tallaabeen xadka.

Taliska Qaramada Midoobay

Sucuudiga iyo Iiraan oo ah labo dal oo daris ah, misna xoog badan ayaa si weyn ugu hardamaya midkoodii ku ku gacan sarayn lahaa gobolka Bariga Dhexe.

Ayatollah Ali Khamenei (bidix) iyo Amiir Maxamed bin Salman
Qoraalka sawirka, Ayatollah Ali Khamenei (bidix) iyo Amiir Maxamed bin Salman

Iscasilaadii uu Robert Mugabe, xilka ka daggay ka dib ku dhawaad 40 sano oo uu Zimbabwe xukumayay ayaa ahayd mid u dhacday si lama filaan ah, dhaqso ah islamarkana uusan dhiig ku daadan.

Mugabe

Inkastoo uu guddiga doorashadu 8 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, misna saadaal badan ayaa dhankaas u janjeertay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin. Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey?

Muuse Biixi

Ra'iisulwasaraaha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in ay ka shalayday in ay saaxiibbadeed la wadaagtay sheekada ku saabsan kulankii ay dhawaan la yeelatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Ra'iisulwasaraaha New Zealand Jacinda Ardern iyo Donald Trump
Qoraalka sawirka, Ra'iisulwasaraaha New Zealand Jacinda Ardern iyo Donald Trump

Guddigii golaha shacabka Soomaaliya ee loo xilsaaray in uu baaritaan ku sameeyo arrintii Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) ayaa soo saaray warbixin ay uga hor yimaadeen go'aankii dowladda ay ninkaasi ugu gacan gelisay Itoobiya.

Qalbi Dhagax
Qoraalka sawirka, Qalbi Dhagax