Dhaqaalaha lagu bixinayo dib u dhiska Notre-Dame oo la dhaliilay

Xigashada Sawirka, EPA
Tan iyo markii uu dabku qabsaday todobaadkii hore kaniisadda Paris kutaal ee Notre-Dame, waxaa iska soo daba dhacayey deeqaha ka imaanaya dunida dacalladeeda si loo soo celiyo qaab dhismeedkeedii iyo maamuuskeedii hore.
Dadka caadiga ah iyo maalqabeenno balaayiin dollar haysta ayaa ku yaboohay ugu yaraan $835 milyan oo dollar, toban cisho kadib markii ay gubatay kaniisaddu 15-kii April.
Qiimaynta hordhaca ah ee ay sameeyeen dhaqaalo yahanno dhanka dhismaha ah oo Faransiis ah ayaa tilmaamaysa in deeqaha lagu yaboohay ay aad uga badnaan karaan dhaqaalaha dib u dhiska ee loo baahanyahay.
Dadka dhaliilsan dhaqaalahan faraha badan ee lagu yaboohay ayaa qaba aragti ah in ay fiicnaan lahayd in dhaqalahaas meel kale lagu bixiyo.
Balse dadka aruurinaya lacagahaas dib u dhiska lagu samaynayo ayaa dadka ku boorrinaya in ay sii wadaan deeq bixinta, ayagoo sheegaya in aan wali fari ka qodnayn.
" Maahan in aan dadka ku niraahno joojiya deeq bixinta, sidoo kale wali ma ogi inta dib u dhiskaasi uu ku kici doono" ayuu yidhi Laurence Lévy oo katirsan hay'adda Fondation du Patrimoine.
Waa imisa dhaqaalaha ku bixi doona?
Midowga Untec, oo ah dhaqaaleyahanno Faransiiska u qaabilsan dhismaha, ayaa ku qiyaasay dib u dhiska Notre-Dame ay ku bixi doonto ugu badnaan €600 oo milyan oo Yuuro.
"Lacagtu waxay noqonaysaa inta u dhaxaysa €300 oo malyan ilaa €600 oo malyan balse waxaan u baahannahay labo ama saddex bilood oo kale si aan u helno lacagta loo baahan yahay,". ayuu yidhi Pascal Asselin oo BBC-da la hadlay.
Lacagta haatan gaartay kooxda gacanta ku haysa qorshaha dib u dhiska kaniisadda ayaa isugu jirta tii lagu ilaalin lahaa qaab dhismeedkii hore, lagu baddali lahaa saqafka iyo hareeraha, lagu shaqaalaysiin lahaa xeeldheereyaal dhanka naqshadaynta ah iyo dhammaystirka shaqooyinka adag, sida lag soo xigtay kanaalka wararka Faransiiska ee BFM TV.
Wali lama samayn qiyaasta rasmiga ah ee lacagta ku baxaysa shaqadan baaxadda leh.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yaa dhaqaalaha ku yaboohay?
Kaniisadda Notre-Dame de Paris ayaa waxaa la dhisay 850 sano kahor waxayna kaalin muhiim ah kaga jirtaa taariikhda Faransiiska iyo sidoo kale tan caalamka.
Maalqabeenada Faransiiska ah ee kala ah Bernard Arnault iyo Francois-Henri Pinault ayaa kamid ah dadka dhaqaalaha ugu badan ku yaboohay si loo soo celiyo qaab dhismeedkii kaniisadda.
"Lacagaha faraha badan ee ay dadku ballan qaadeen waa calaamad muujinaysa sida goobaha taariikhiga ah ay dadka ugu wayn yihiin," ayuu yiri Alan Davies.
Notre-Dame waa taariikh qaran iyo mid caalami ah intaba.
Dad kale ayaa ku yaboohay lacago aan aad u buurnayn.
"Waxaan maqlay dabkii qabsaday Notre-Dame waxaana doonayaa in aan wax ku kaalmeeyo. Waan ogahay in aanay wax buuran ahayn balse wax kasta oo yar waxbay tarayaan,'' ayay tiri gabadha sagaal jir ah oo reer Britain ah oo bixisay lacag dhowr Yuuro ah.

Xigashada Sawirka, FONDATION DU PATRIMOINE
Soo ma haboonayn in meel kale lagu bixiyo?
Heerka deeq bixinta ayaa dhaliyey dhaleecayn badan oo ku aaddan in lacagtaas ay fiicnaan lahayd in meelo ka mudan lagu bixiyo.
Gabadha jilaaga ah ee Pamela Anderson ayaa sheegtay in todobaadkan ay ka qayb gashay xaflad lacag loogu aruurinayey "Carruur danyar ah oo ku sugan magaalada Marseille" markii ay soo baxday arrinta la yaabka ku noqotay ee dhaqalaha loogu aruurinayo dib u dhiska Notre-Dame.
"Waxaan filayaa in ay arrintaas tixgalin doonaan oo ay lacagta ku bixin doonaan meelaha looga baahan yahay," ayay intaas raacisay.
Dhaqdhaqaaqa jaakadaha hurdiga ah ee dibadbaxyada ka dhiga toddobaadlaha ah ka dhiga dalka faransiiska ayaa ayaguna cabasho taas lamid ah ka muujiyey, ayagooba arrintaas kaga mashquulay wixii ay ka caban jireen ee ahaa qiimaha maciishadda ee qaaliga ah.
Dadka qaar ayaa ayaguna cabasho ka muujiyey in dadka maalqabeenada ah ee lacagaha ku yaboohaya loo sameeyey canshuur dhaaf ah 60%.

Xigashada Sawirka, Getty Images























