Gobollo badan oo Maraykanka ah oo bandawgii laga qaadayo

.
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah meheradihii ganacsiga ayaa dib u furmay.
Published

Gobollo badan oo Mareykanka ah ayaa bilaabaya inay qaadaan amarrada bandawga iyadoo dhanka kalena hogaamiyaasha Mareykanka ay yidhaahdeen kala fogaanshaha bulshadu waa lagama maarmaan noqon doonta xagaaga oo dhan.

Laakiin guddoomiyaasha ayaa ka digaya in noloshu si dhakhso ah u soo laaban doonin sidii caadiga ahayd, xayiraadahaasi waxay kusii negaan doonaan meelaha qaarkood si looga ilaaliyo inuu feyrasku soo laba kaclaynin.

Jimcihii, Mareykanka wuxuu arkay kor u kacii ugu badnaa hal maalin, kiisaska la xaqiijiyey.

Laakiin heerka feyraskan ayaa si aad ah hoos ugu dhacay dhowr meelood oo ay ka mid yihiin New York, oo ahayd xudduntii feyraskaasi ee Mareykanka.

xogtii u danbaysay ee Axaddii, Mareykanka waxa ay marayaan dadka qaaday 940,000 kiis, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins, iyo in ka badan 54,000 oo dhimasho ah.

Khubarrada caafimaadka bulshada ayaa ka digaya in ka noqoashada xayiraadaha ay sababi karto mowjad labaad oo cudurkaasi ah. Go'aanka lagu joojinayo amarrada qasabka ah ayaa imanaya iyadoo in kabadan 26m oo Mareykan ah ay raadinayaan wax ka difaaca shaqo la aan, iyadoo heerka shaqo la'aantu ay gaadheyso ilaa 16%.

Sidee ayay u furmayaan gobolladu?

In ka badan 90% dadweynaha Mareykanka waxay ku jireen xaalad amarro lagusoo rogay oo lagu yaraynayo dhaqdhaqaaqooda, laakiin gobollada qaarkood waxay billaabeen inay amarradaasi laalaan maalmaha sabtida iyo axadda, iyagoo dadku si tartiib ah ugu noqonaya goobaha dumarka lagu qurxiyo iyo meelaha timaha lagu jaro.

Georgia, Oklahoma, Alaska iyo South Carolina waxay horey u oggalaadeen in ganacsiyada qaar dib loo furo. Iyaga iyo gobollada kaleba waxay soo saareen qorsheyaal ku baaqaya in xeerar badan la qaado toddobaadka soo socda.

Tennessee waxay u oggolaan doontaa maqaayadaha inay dib u furaan Isniinta, isla maalintaas oo amarkii khasabka ahaa ee Mississippi uu dhacayo.

Guddoomiyaha Montana ayaa u oggolaaday kiniisadaha inay dib u furaan laga bilaabo maalinta Axadda, iyada oo wali loo baahan yahay tallaabooyin ay ka mid yihin kala fogaan bulsheed. Makhaayadaha iyo iskuullada ayaa loo ogolaan doonaa inay dib u furmaan 7da Meey.

Sideed gobol oo ay hogaaminayaan gudoomiyeyaasha jamhuuriga - Arkansas, Iowa, Nebraska, North Dakota, Oklahoma, South Dakota, Utah iyo Wyoming - waligood ma soo saarin amarradii qasabka ahaa ee ay ugu mudnaayeen guri ku negaanshuhu.

Maxay madaxdu sheegeen?

Axadii, iskuduwaha hawlaha ku aaddan coronavirus-ka ee Aqalka Cad, Dr Deborah Birx ayaa sheegtay in kala fogaanshaha bulashadu ahaan doono mid caadi ah "ilaa xagaaga si runtii loo hubiyo inaan is ilaalino marba marka ka danbaysa".

Hadaladeeda ayaa yimid kadib markii madaxweyne kuxigeenka Mike Pence uu sheegay in feyrasku uu joogo "gadaasheenna" iyadoo loo dabbaaldegayo maalin xuska 25-ka May oo ah maalin ciid ah, taas oo tilmaamaysa bilawga rasmiga ah ee xilliga xagaaga ee Mareykanka.

Dr Birx ayaa usheegtay Fox News usbuucan in kiisaska cusub iyo dhimashada "si weyn hoos ay u dhici doonaan bisha May".

Axadii, gudoomiyaha New York Andrew Cuomo ayaa sheegay inay tahay wax aan macquul aheyn in lagu qasbo dadka inay guryahooda ku negaadaan inta lagu jiro xagaaga oo aan waxba la qaban.

"Halkan waxaa ka jira sinnaan loo wada dhan yahay," ayuu yidhi, isaga oo tilmaamaya warbixinnada sheegaya rabshadaha qoyska, isticmaalka maandooriyaha iyo khamriga, iyo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda oo la sheegay inay sii kordheen.

Heerka dhimashada ayaa hoos u dhacay magaalada New York, iyadoo 367 ay dhinteen sabtidii marka la barbar dhigo 437 jimcihii. Waxay ka dhigan tahay tiradii ugu hooseeyay tan iyo 30-kii Maarso.

Guddoomiyaha Cuomo wuxuu sheegay in heerka gudbinta, iyo sidoo kale heerarka dhimashada, ay qeexi doonaan sida iyo goorta uu gobolka dib u furmayo.