Australia: Malaayiin shacab oo billaaby adeegsiga App looga tala galay Covid-19

Xigashada Sawirka, EPA
In ka badan malyan oo qof oo dalkaasi Australia ku nool ayaa la soo degay App-ka cusub ee ay dowladdu ugu tala gashay iney ku dabagasho dadka xiriirka uu dhex maro qofka qaba Covid-19.
App-kan cusub "COVIDSafe" wuxuu ku shaqeeyaa Bluetooth, wuxuuna App-ka xogta uu qabanyaa markay labada qof is gacan qaadaan ama ay iisu jirsadaan mitir iyo bar.
Ap-ku wuxuu markiiba qabanaya xogta labda qof ee kulmay xilliga iyo meesha ay ku kulmeen xogtooda oo dhammeystiranna wuxuu u gudbinayaa laamaha caafimaadka u xilsaran.
Qofka App-ka isticmaalaya dadki uu la kulmay mid ka mid ah haddii faayrsaka laga helo markiba App-ka wuxuu soo dirayaa farriin uu qofka ku baraarujinayo.
Dalka Australia cudurka Coronavirus waxaa laga helay 6,694 qof, iyada oo dadka cudurka u dhintayna ay gaareen 80, sida ay tilmaameyso xogta ay baahisay Johns Hopkins.
Toddobaadyadi u dambeeyey kiisaska cudurka oo hoos u dhacayey haddana Axaddii shaly ahayd waxaa dalkaasi laga helay 16 kiis oo hor leh.
App-ka oo la hirgeliyey Axadda sacaddu markay ahayd 1800 xilliga Australia, saacaddu markay mareysay 10:30 xilliga Australia waxaa App-ka COVIDSafe soo dagsatay dad ka badan 1 malyan oo ku nool dalka Australia.
"Fadlan nagu soo biir si aad u badbadiso naftaada, qoyskaaga, kalkaaliyeyaasha iyo dhakhaatiirta caafimaadka" ayuu yiri wasiirka caafimaadka Australia Greg Hunt oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay.
Ra'isal wasaare Scott Morrison wuxuu sheegay haddii ay shacabku App-ka cusub sidi la rabay u isticmaalaan in la dabcinayo xayiraadaha qaarkood. Waxayna dowladdu sheegtay si uu App-ka uu u noqdo mid si buuxda loo adeegsaday ugu yaraan 40% shacabka dalka Australia inay isticmaalan.

Xigashada Sawirka, EPA
Xogta uu App-ka uu soo gudbiyana waxaa keydineysa wasaradda caafimaadka ee dalka Australia, haddii loo baahdana xogtaasi waxaa lala wadaagayaa booliska.
App-kan qof kasta oo adeegsanaya wuxuu weydiinayaa da'diisa inta ay u dhaxeyso, lambarka teleefankiisa, magaciisa iyo lambarkiisa boostada si loogala soo xiriiro haddii loo bahdo.
Dowladdu Australia waxay intaasi ku dartay xogta uu App-ka qofka ka soo gudbiyey ee wasaradda caafimaadka soo gaartay 21 cisho kaddib in la tirayo ama marka uu qofka uu App-ka uu taleefankiisa ka tiraba ay xogtiisana tirmeyso.

- Tixraaca wararka Covid-19 ee Afrika
- Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqa Corona?
- Sida wararka beenta ee corona u faafaan
- Masaajidda Maka iyo Madiina oo laga mamnuucay Saladaaha jamaacada
- Wiil Soomaali ah oo laga helay cudurka coronavirus oo ka walwalsan Soomaalida kale ee aan isbaarayn
- Sidee bedqab loogu soomi karaa inta lagu jiro Coronavirus
- Sababta dalalka ay dumarka hoggaamiyaan ay jawaab fiican uga bixiyeen fayraska Corona?
- "Walaashey oo bil ka hor la ii sheegay inay Corona u geeriyootay ayaa i soo wacday"
- Vietnam weli kiis dhimasho ah lagama soo sheegin, Maxay sameeyeen oo mudan in la raaco?

























