Kellyanne Conway ayaa iska casiashay xilka latalinta ee ay ka haysay aqalka cad

Xigashada Sawirka, EPA
Kellyanne Conway ayaa shaaca ka qaadday xilka la taliyenimo ee ay u haysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iney iska casishay.
Mrs Conway oo iscasilaaddeeda warmurtiyeed ka soo saartay waxay sheegtay dabayaaqada bishan August iney xilka ka tageyso si ay carruurteeda "hooya wanagsan ugu noqoto oo ay daryeel wanaagsan u siiso."
Seygeeda George, oo madaxweynaha si weyn u dhaliiilana wuxuu sheegay inuu ka fariisanayo dhaqdhaqaaqa siyaasadda.
Waxayna intaa ku dartay go'aanka ay gaartay inuu yahay "mid ay gabi ahaanba iyadu dooratay", waxayna sheegtay qorshaheeda xiga iney dhawaan shaacin doonto.
Mrs Conway ayaa la filayey iney ka hadashao shirweynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga dabayaaqada toddobaadkan balse lama oga oo khudabad jeedin doonto iyo iney go'aankeeda xil ka tagista ay ku adkeysaneyso.
Haweeneydan xilka la taliyanimada iskacasisahay oo ka mid ahayd shaqsiyaadka dajiya siyaasadda xisbiga Jamhuuriga waxay xilka la taliyanimada soo haysay afar sano, iyada oo noqoto haweeneyda xilka ugu sarreeya ka qabatay aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo.
Waxay sida oo kale ahayd haweeneydi ugu horreysay oo hoggaamisa ololaha doorasha madaxweyne oo guuleysta, iyada oo guusha madaxweyne Trump ee 2016-kii kaalin mug leh ku lahayd.
Lataliyaha sare ee aqalka sare ee iscasishay Mrs Conway waxay soo qabatay xilka lataliyaha siyaasadda madaxweyne Trump iyada oo maamulka Trump saameyn weyn ku dhex lahayd.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhinaca kale seygeeda George ayaa wuxuu ahaa aasaasaha labaad ee mashruuca Lincon, oo qayb ka ahaa guddiga ka shaqeynaya iney tallaabbo siyaasadeed qaadaan si aan Trump 2020-ka markale madaxweynanimada loo soo diran ee ay ka tirsan yihiin xubno xisbiga Jamhuuriga ka soo jeeda.
"Afarti sano ee la soo dhaafay waxay ii ahayd mid barakeysan oo wax la barbar dhigaa jirin" ayey ku tiri warmurtiyeed ay soo saartay.
"Geroge iyo Aniga waxyaaba badan waan isku waafaqi weynay, balse waxaan ka mideysannahay arrimaha ubadkeenna" ayey sii raacisay.
"Carruurtayada wey yaryar yihiin, mataanahana sanad dugsiyadeedkan ayey waxbarashada billaabayaan, iyaga dhigta dugsi dhexe iyo dugsi sare, bilihi ugu dambeeyey iyaga oo waxbarashada ku qaadanayey guriga," ayey tiri Mrs Conway.
"Si la mid ah malaayiinta waalidka dalkan ku nool carruurta guriyaha joogta ee sidaa wax ku barata iney u baahan yihiin fiira gaar ah iyo taageera ah in la siiyaba ay u baahan yihiin gaar ahaanna xilligan adag ee lagu jiro."
Shaac ka qaadidda iscasilaadda Mrs Conway ayaa imaneysa saacada un kaddib marki ay gabadheeda Claudia ay barteeda Tweeter-ka ku soo qortay shaqada ay hooyadeed hayso iney noolasheeda burburisay, farriintaasi oo noqotay mid micna badan u leh Conway.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Mrs Conway ayaa lagu tilmaamaa iney tahay qof si weyn u taageera madaxweyne Trump, iyada oo ah mid muran badan dhalisa.
Wareysi ay 2017-kii ay bixisay, waxay ku sheegtay xasuuq aan jrin xilli ay aad u difaaceysay xayiraadaha socdaalka uu maamulka Trump ku soo rogay dadka soo galootiga.
Isla sanadkaasi, golaha latalinta anshaxa ee dowladda Mareykanka ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo kaddib marki ay shacabka ugu baaqday, xilliga ay wareysiga bixineysay, iney iibsatay dhar ay sameysay gabadha uu dhalay madaxweyne Trump Ivanka.
Dhawaan, hay'adda kormeerka ee dowladda ayaa ku taliyey in haweeneydan la eryo maadaamaa ay ku lug yeelatay, xayiraadda lagu soo rogay dadka u dhaqdhaqaaqa siyaasadda.
Mar sii horreysayna waxay sheegtay ninkeeda iyo madaxweyne Trump xiriirka dhexmaray.
Mr Conway wuxuu si cad uu u dhaleeceeyey madaxweyne Trump isaga oo ku tilmaamay "qof aan karti lahayn". Madaxweynaha oo dhaleeceynta loo soo jeediyey ka jawaabayana wuxuu Mr Conway ku tilmaamay "mid aan waxtar lahayn", wuxuuna sheegay inuu diiday Mr Conway waaxda caddaaladda mareykanka inuu ka shaqeeyo.
























