Nin qarxiyay qeyb ka mid ah gurigiisa, isagoo daqsi eryanaya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin ayaa qarxiyay qeyb ka mid ah gurigiisa oo ku yaalla Faransiiska isagoo isku dayaya inuu daqsi ku eyrayado gacanka korontada ku shaqeeya ee lagu laayo cayayaanka buuba.
Ninkan oo ku jira da'da siddeetameeyada ayaa waxa uu ku sigtay inuu cunnada ku margado kaddib markii uu ka careeysiiyay daqsi buubayay agagaarkiisa.
Waxa uu soo qaatay gacanka korontada ku shaqeeya ee lagu laayo cayayaanka buuba, kaddibna waxa uu bilaabay inuu ku bartilmaameedsado daqsiga hase yeeshee nasiib-darro waxaa gurigiisa yaalay gaaska cuntada lagu karsado oo daadanayay, waxaana dhacday iney is taabtaan gaaska iyo gacanka korontada ku shaqeeya ee uu ku eryanayay daqsiga kaasi oo sababay inuu qarxo gaaska.
Waxaa gabi ahaanba burburtay jikada iyo qeyb ka mid ah saqafka gurigii uu deganaa oo ku yaalla tuulada Parcoul-Chenaud.
Sida ay soo tabisay warbaahinta gudaha, ninka oo aan magiciisa la shaacin ayaa nasiib ku badbaaday oo waxaa gacanta ka soo gaaray dhawac yar.
Si kastaba ilaa haatan lama oga halkii uu ku dambeeyay daqsisigii horseeday shilka halka ninkana la geeyay hooy ku yaalla tuulada iyadoo dhanka kalana ay qoyska ninka dayactir ku sameeynayaan guriga gubtay.



















