"Muslimiinta shaqo-abuur ayaan u sameynay ee ma aanan cadaadin"

shiinaha
Published

Shiinaha ayaa difaacay siyaasadiisa muranka badan dhalisay ee ku aadan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang, maalmo uun kaddib markii dowladda Mareykanka ay mamnuucday in dalkeeda la soo geliyo badeecadaha ka imaanaya gobolkaasi.

Xukuumada Beijing ayaa xeryo dhawr ah oo lagu hayo dadka Muslimiinta ahi ee laga tirada badan yahay ee gobolkaasi kala kulantay cambaareyn caalami ah.

Balse warbixin qoraal ah oo ay Beijing soo saartay ayaa lagu sheegaya in malaayiin shaqaale ah ay ka faa'iideysteen "waxbarasho iyo tababar xirfadeed" oo laga hirgeliyay xeryahaasi.

Mareykanka ayaa xeryahani ku tilmaamay kuwo lagu dhaqan doorinayo isla markaana lagu ciqaabayo dadyowga Muslimiinta ahi ee deggan gobolkaasi Xinjiang, waxa uuna xayiraad ku soo rogtay siyaasiyiin Shiinaha u dhashay oo la sheegay in ay ku lug leeyihiin xeryahaasi.

Toddobaadkan uu Mareykanku xannibay qaar ka mid ah badeecadaha laga soo dhoofiyo gobolkaasi Xingjiang, kuwaa oo uu sheegtay in sameeyeen dad la adoonsado oo lagu shaqeysto.

Warbixinta Shiinaha ayaa lagu sheegay in "tababarrada xirfadeed" ee lagu bixiyo gobolkaasi ay soo kordhiyeen fursado shaqo isla markaana wax weyn ka tareen la dagaallanka saboolnimada.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in tababarradani ay ka mid yihiin luuqadda Mandarin oo inta badan looga hadlo dalkaasi Shiinaha, farsamada gacanta iyo qaabka loogu noolaado magaalooyinka waaweyn.

shiinaha

Warbixintani ayaa intaasi ku dartay in dadka ku dhaqan dhulka miyiga ahi ay haatan billaabeen ganacsiyo iyaga u gaar ah ama waxay shaqooyin ka heleen wershadaha dalkaasi kaddib markii ay taageero ka heleen dowladda.

Shiinaha ayaa in badan ku doodayay in "tababarradaasi xirfadeed " ee ka soconaya gobolkaasi Xinjiang ay lagama maarmaan u yihiin ka hortaga argagixisada iyo la dagaalanka saboolnimada.

Balse kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegayay in ugu yaraan hal milyan oo qof ay ku xiran yihiin xeryo ay ku tilmaameen xarumo dadka Muslimiinta ahi lagu dhaqan dooriyo.

shiinaha

Warbixinta Shiinaha ayaa lagu sheegay in 1.3 milyan oo qof ay sanadkiiba ka faa'iideysanayeen barnaamijkaasi tababarrada ee Xinjiang lixdii sano ee la soo dhaafay. Waxaase la rumeysan yahay in qiyaastii siddeed milyan oo qof oo ka mid ah dadka gaaraya 22 milyan ee qof ee deggan gobolkaasi ay soo mareen xeryahaasi.

Dowladda Shiinaha ayaa beenisay eedeymaha ah in dad la addoonsado ay ka shaqeeyaan wershado ku yaal gobolkaasi, waxaana afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda uu sheegay in arrintaasi ay tahay been waddamada reer galbeedku ay soo abaabuleen.