Baxwal Jirde: Waxaan filanayay kabo dahab ah, ee ma filaneyn kuwo qalin ah

Xigashada Sawirka, Baxwal Jirde/FACEBOOK
Waxaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay tartanka kubadda cagta ee gobollada Puntland.
Kulanka kama dambeysta ah ayaa wuxuu u dhaxeeyay gobollada Haylaan iyo Nugaal, oo ay Haylaan guushu ku raacday kaddib markii ay ku badiyeen rigooreyaal.
Haddaba kooxaha keliya ma ahayn kuwa guulaha kala hoydey garoomaha, ee sidoo kale qaar ka mid ah ciyaartooydii ka qeybgashay tartanka ayaa la siiyay billado kala duwan, waxaana ka mid ah midkood oo la siiyay billad qaas ah.
Cabdalle Maxamuud Maxamed (Baxwal Jirde) oo ah ciyaartooygii ugu goolasha badnaa tartankaasi ayaa la siiyay abaalmarinta kabaha qalinka ah.
Baxwal ayaa intii uu tartankan socday dhaliyay siddeed gool. "Ciyaartii koowaad ee aan Sool la cayaarayay waxaan dhaliyay afar gool, cayaartii labaad waxaan la dheelay gobolka Bari, cayaartii saddexaad waxaan la cayaaray gobolka Nugaal waxaana ka dhliyay saddex gool, cayaartii ugu dambeysayna waxaan la cayaaray Haylan waxaana ka dhliyay gool," ayuu yiri Cabdille.

Xigashada Sawirka, Baxwal
Mar uu la hadlayay BBC-da ayaa wuxuu Baxwal sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay abaalmarinta la guddoonsiiyay, "Dareen ahaan lama soo koobi karo dareenkeyga, runtii wax badan baan ku taamayay inaan ku guuleysto gool dhalinta anigoo ahaa nambar sagaalka gobolka, nin weerarka ka cayaara baan ahaa, nin tartamayay baan ahaa, runtiina intaa iyo in ka badanba waan rajeynayaa inaan ku guuleysto, waxaana ahaa tartamayaashii Alxamdulillaah Ilaahayna waa ila garab galay,"
Balse wuxuu intaas ku daray inuusan fileyn kabaha qalinka ah, "Sanadkan waxaan filayay in la i siinayo dahab, laakiin qalin baa la i siiyay," ayuu yiri.
Sida uu qabo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, kabaha dahabka ah ayaa la siiyaa cayaar yahanka ugu goolasha badan ee tartanka.
Baxwal ayaa sheegay inuu matalay xulka cayaartooyda Puntland, mar ay socdeen tartanka cayaaraha maamul-goboleedyada, haatanna uu rajeynayo inuu mustaqbalka matalo cayaartoyda xulka Soomaaliya.
Baxwal oo ka qeyb galay cayaarihii gobollada Soomaaliya ee sanadkii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Muqdisho, kana socday xulka Puntland ayaa sheegay in keyd la geliyay oo uusan si fiican uga qeyb gelin tartankaas.
Sababta "Macallin walba doorasho ayuu leeyahay, aniga wax khalad ah maan sameyn, macallinka ayaa go'aansaday inuu i fadhiisiyay," ayuu yiri.
Tartankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana jirta in muddo kadib oo uu hakad galay haatan dib loosoo nooleeyay.























