Hyperloop : Maxaad ka taqaanna tareenka dunida ugu xawaaraha dheereeya?

Sawirka hindisaha tareenka at khubaradu shaaciyeen
Qoraalka sawirka, Tareenka cusub nooca uu u ekaan doono
Published

Shirkadda Virgin Hyperloop waxay shaacisay muuqaal sharraxaya qorshahooda ku aaddan tareenka cusub ee rakaabka uu xawaarihiisu dheereeyo ee ay sameynayaan iyo sida uu u shaqeynayo.

Shirkaddu waxay sheegtay tareenka Hyperloop inuu adeegsanayo waxa loo yaqaanno cufisjiidadka wuxuuna halkii saac socon karaa xawaara dhan 1,000 km inuu socda tareenkaasi oo dhex marayo tuubbo looga tala galay oo loo sameeyey inuu ku dhex socdo.

Tareenkan cusub ma aha mid la isku xiri doono ama la xiriirin doono sida tareennada hadda jira balse qaab kolonyo ah ayey u wada soconayaan oo waxay dhex marayaan tuubbooyin waaweyn oo looga talagalay.

Sanadki hore tareenka Hyperloop oo tijaabadiisi ugu horreysay la sameeyey wuxuu socday xawaara dhan 170km iyada oo tareenkaasi tijabadiisi ugu horreeyey marka la sameeynayey xawaaraha ugu badan oo uu ku socon karo aan la gaarsiin.

Balse dalka dhaleeceeya hal abuurka tareenkan cusub waxay ku doodayaan muuqaalka la baahiyey inuu yahay mid la "buunbuuniyey".

Gareth Dennis oo ah Injineer tareen iyo Qoraa ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray "Muuqaalka tijaabada tareenka ee la baahiyey inuu yahay mid cajiib ah oo muuqda isla markaana si wanaagsan u shaqeeyey."

Laba ka mid ah rakaabki saarnaa tijaabadi ugu horreysay oo tareenka Hyperloop lagu sameeyey

Balse waxaa su'aal la geliyey sida ay tareennadan aadka u dheereeya ee Hyperloop ay kumannaan rakaab ah u qaadi doonaan maadaamaa miisaanka iyo xawaaraha uu xiriir ka dhaxeeyo ayna u baahaneyso tareenno aad u tira badan, ayey tiri shirkaddu.

"Su'aasha ugu weyn ee meesha taallana waxay tahay nidaamka tareenkan hyperloop uu ku shaqeeyo muxuu tareennada horay loo sameeyey uu uga duwan yahay, hal abuurayaasha tareenka hindisay ayaa ka jawaabaya. "Si ka duwan tareennada kale ee la xiriiriyo ama la isku xiro si ay dad badan hal mar u qaadaan, balse tareenka baalashiisa sare ayaa dusha isaga xiran oo waxay ku xiriiraan waxa loo yaqaanno cuf-isjiidad ama magnet."

Waddada tareenkan cusub sida tuubbada biyaha ayey u sameysan tahay

"Tareenka sida kolonyada ah u socda uu xawarahiisa dheereeyo wuxuu awood u leeyahay dadka adeegga gaadiidka u baahan inuu ka qaato goobta ay ku sugan yahay halka ay doonayaanna ilbiriqsiyo gudahood uu geeyo, taasoo nidaamka tareenka ka dhigeyso kan ugu xawaaraha sarreeyo uguna hufan tareennada abid la sameeyey."

Maalgelinta Dowladda

Shirkadda soo saareyso tareenkan cusub ee Virgin Hyperloop waxay sheegtay tareenka qaabka uu ku shaqeeyo ineysan ahayn "mid hawada qiiq ku sii deynaya".

Bishi July shirkado kale ayaa iyaguna fikir kan la mid ah oo loogu magac daray Hyperloop TT so hinidisay, waxayna sheegeen iney doonayaan tareenkan xawaarihiisa dhereeya oo adeegga gaadiidka dunida waxbadan ku soo kordhin doono iyada oo farsamada maraakiibta la adeegsanayo in la hirgeliyo.

Fikirka tareenka hyperloop sida oo kale waxaa miisaaniyad loogu qabtay qorshaha horumarka kaabayaasha dhaqaalaha Mareykanka uu dhawaan meel mariyey aqalka senetka, taasoo albaab cusub u fureyso hindisahaasi iney dowladaha maalgeliyaan.

Tareenka Hyperloop pod
Qoraalka sawirka, Wuxuu tareenkan socon karaa xawaara gaaraya ilaa iyo 1000 km saacaddii

Balse waxaa su'aal la gelinayaa sida ay u suura galeyso dhaqaalaha aadka u badan ee lagu dhisayo dhuumaha uu marayo tareenka xawaarihiisa dheereeyo.

Virgin Hyperloop waxay leedahay jawaabta wey fududdahay "teknoolojiyaddaasi waxaa lagu horumarin karaa" kharaashaadka lagu bixinayo oo la sii wado maadaamaa lacagtaasi ay lacag soo noqoneyso iyo mar weliba danta dadweynaha in wax welinba laga horumariyo.

"Waxaa jiro fursado maalgashi oo aan ganasatada gaarka ah ku soo jiidan karno, iyada oo laga faa'ideysanayo maalgashiyada kala duduwan ee dadweynaha ee la sameeyo" ayey tiri shirkaddu.