Nin Mareykan ah oo dacweeyay Faalalowgii ka "saari waayay sixirka saaxiibtiisii hore"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin Mareykan ah ayaa dacwad ku oogaya qof faalalow ah oo si been ah ugu sheegtay in ay ka saari karto "sida looga sixray dhanka guurka" kaa oo ay ka dambeysay sixirooley ay kireysatay saaxibtiisii hore.
Mauro Restrepo ayaa sheegay in Sophia Adams ay u ballan qaaday inay badbaadin karto guurkiisa haddii uu bixiyo $ 5,100 dollar, si ay sixirka uga saarto, sida ku cad dacwad qiyaano la xiriirta oo loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Torrance.
Ms Adams ayaa la sheegay inay u sheegtay Restrepo in isaga iyo qoyskiisa "aysan farxad heli doonin oo ay qatar geli doonaan" haddii aan sixirkii hayaa xal laga gaarin.
Wuxuu hadda raadinayaa magdhow lacageed oo gaaraya $25,000.
Dhowr eedeymo oo kale oo uu soo jeediyay Restrepo, waxaa ka mid ah, in uu ku soo oogay dacwado la xiriirta feejignaan la'aan, shirqool madani ah iyo si bareer ah oo taxadar la'aan ah ay u gaareen dhaawacyo dhanka shcuurta ah.
Mr Restrepo wuxuu sheegay inuu la xiriiray Ms Adams, ka dib markii uu barta Google ka raadiyay xarunteeda Faalka ay ku sameyso.
Bogga Internet-ka ee haweneyda wax faalisa waxay ku qoratay in ay tahay "khabiirka jacaylka maskaxeed" iyo macallin nololeed oo "Ph.D".
Wuxuu gal-dacwadeedkiisa ku sheegay "in uu aad ugu kalsoonaa in uu la xiriirayo qof khabiir ah oo ka caawin kara dhibaatada haysata".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intii uu la joogay, waxay Ms Adams oo faalka u fiirineysay kaarar ay haysay, waxayna u sheegtay inuu "nasiib xun yahay", oo uu saaran yahay "saaxir ay sameysay haweeney ay kireysatay saaxiibtiisii hore".
Waxay u sheegtay in haddii aan "sixirka laga saarin ay baabi'in doonto Mr Restrepo, carruurtiisa iyo guurkiisa." Caddeymaha maxkamadda la horgeeyay ayaa sidaa lagu qoray.
In kastoo markii hore uu dhigay lacag gaareysay $1,000 dollar, haddana Restrepo wuxuu sheegayaa in haweeneydan lagu magacaabo Adams "aysan sinnaba u caawinin badbaadinta guurkiisa" wuxuuna la dhibtooday habeenno hurdo la'aan ah, welwel iyo murugo.
Dacwadda waxay kaloo qeyb ka ah eedeysane Adams, ninkeeda, gabadheeda iyo milkiileyaasha guryaha.
























