Xirsi Jaamac Gaani: Wasiirka ka tirsan Jubaland ee ku guuleystay doorashada Garoowe

Qoraalka Muuqaalka, Wasiir Jubbland ah oo ka tartamaya doorashada Golaha Shacabka ee Garoowe
Published

Xirsi Jaamac Gaani, oo ah wasiiru dawlaha wasaaradda Maaliyada ee Jubland ayaa ku guuleystay Kursiga Numerkiisu yahay #HOP 223 oo ay doorashadiisa ka dhacday magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.

Waxaa kula tartamayay Siciid Maxamed Warsame oo ay ka soo wada jeedaan degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Maxamed Xayle Axmed ayaa goor dhaweyd loo doortay kursiga #HOP128.

Labada kursi oo kale oo iyana doorashadooda dhacayso dadka u sharraxan waxaa kamid ah; Wasiirka Qorshaynta Puntland, Cabdiqafaar Xaange iyo Wasiiru dowlaha Shaqada iyo shaqaalaha, Firdowsa Cigaal.