Waa ina boqor haddana aan oggoleyn in Amiir looga yeero

Jordan
Qoraalka sawirka, Sarki Abdullah
Published

Amiir Xamza bin Xuseen oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada Urdun ayaa sheegay in uu ka tanaasulay xilkii uu ka hayey boqortooyada.

Amiir Xamza ayaa sheegay in "heerka madax-bannaanida" uusan la jaanqaadeyn "nidaamka casiriga ah ee hay'adaha dowladda."

Amiirka oo ah wiilka afaraad ee Boqor Xuseen, waxay walaalo yihiin Boqor Cabdallaha dalka Urdun ee hadda xukunka haya.

Sanadkii hore ayaa Amiir Xamza xabsiga loo taxaabay kaddib markii madaxda boqortooyada uu ku eedeyey musuqmasuq iyo xil gudasho la'aan.

Bishii March dowladda Urdun waxay shaacisay warqad ay ku sheegtay inuu Amiirka soo qoray oo uu ku raalli gelinayo Boqor Cabdalla isla markaana cafis uu kaga dalbanayo oo uu Amiirku ku saxiixan yahay.

Amiir Xamza qoraal uu bartiisa Twitter-ka uu Axaddii soo dhigay wuxuu ku sheegay: "Inuu qaatay go'aan isaga u gaar ah kaddib markii uu ku guul darreystay isku daygiisi ahaa "inaan casriyeeyo dib u habeyna aan ku sameeyo xaruumaha iyo nidaamka dowliga ee dalka Urdun si waajibaadka dalka iga saaran aan u guto."

"Aniga oo magaca Eebbe run ka sheegaye, waxaa ii cuntami weyday inaan sii ahaado dhaxalsuge. Waxaana sharaf aad u weyn ii ah dalkeyga muqaddaska ah iyo qarankeyga sharafta iga mudanba inaan sanado badan u soo adeegay."

"Waxaanna sii wadayaa inta noolasheyda ka dhiman dalkeyga Urdun, cizigiisa iyo sharaftiisa inaan u adeego."

Amiir Xamza bin Xuseen

Waa kuma Amiir Xamza bin Xuseen?

Waa wiilka ugu wayn ee ay Boqorod Nuur ay u dhashay boqorkii geeriyooday ee Boqor Xuseen, taas oo aheyd xaaskii uu ugu jeclaa xaasaskiisa. Amiir Xamza ayaa waxa uu ka qalinjabiyay Harrow School ee UK iyo machadka milateriga ee Boqortooyada ee Sandhurst ee isla UK.

Sidoo kale waxa uu wax ku bartay Jaamacadda Harvard ee waddanka Mareykanka iyadoo uu ka soo mid noqday ciidammada qalabka sida ee waddanka Urdun.

Waxaa amiirka dhaxalsugaha ah ee Urdun loo magacaabay 1999, waxaana aad u jeclaa Boqor Xuseen, kaas oo mararka qaar meelaha fagaaraha ah ku tilmaami jiray "farxaddii indhahayga".

Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxaa loo arkay inuu aad u yaryahay oo uusan khibrad badan lahayn si loogu magacaabo inuu badelo markii uu Boqor Xuseen dhintay.

Walaalkii ay kala bahda yihiin, Cabdalla, ayaa xilkii boqortooyada loo dhiibay waxa uuna Xamza 2004-tii ka xayuubiyay xilkii amiirka dhaxalsugaha ah, iyadoo uu wiilkiisa ku wareejiyay.

Tallaabadaas ayaa waxaa loo arkayay dhabarjab ku yimid Boqorad Nuur oo mar uun rajaynaysay in wiilkeeda ugu wayn carruurteeda uu boqor noqon doono.

(Midig) Boqor Cabdallah iyo afadiisa Raaniya oo ka qayb galaya arooskii Amiir Xamsa, haweenayda dhexda ku jirtaana waa Xamse hooyadii Boqorad Nuur
Qoraalka sawirka, (Midig) Boqor Cabdallah iyo afadiisa Raaniya oo ka qayb galaya arooskii Amiir Xamsa, haweenayda dhexda ku jirtaana waa Xamse hooyadii Boqorad Nuur

Bishii April 2021-kii, Amiir Xamza waxaa uu baahiyey laba muuqaal oo uu u soo diray BBC-da, kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay.

Waxa uu iska fogeeyay inuu wax afgambi ah maleegay, hasa yeeshee waxa uu hogaamiyayaasha Urdun ku eedeeyay musuq maasuq iyo maamul xumo.

Muuqaalka uu xilligaa baahiyey waxaa uu ku soo beegay xilli la xiray lix iyo toban qof, oo ay ku jiraan lataliye hore ee Boqor Cabdallah iyo xubin kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada kaddib markii lagu eedeeyay inay ammaanka halis ku yihiin.

Amiir Xamzah wuxuu xilligaa sheegay wax dambi ah inuu gelin wuxuuna iska fogeeyey inuu damacsanaa inuu Boqor Cabdallaaha Urdun uu khaarijiyo.

Milateriga Urdun ayaa iyaguna beeniyay in Xamzah ay gacanta ku dhigeen, balse waxa ay sheegeen iney Amiirka fareen oo keli ah inuu ka fogaado fal kasta oo khatar ku ah ammaanka Urdun.

Boqor Cabdalla oo telefishiinka kala hadlay shacabka dalka Urdun wuxuu sheegay wax weliba iney caadi yihiin Amiir Xamazana uu qoyska la jooga boqortooyada dalka looga arrimiyana uu ku sugan yahay.

Mas'uuliyiin sarsare oo dalka Urdun ka tirsan oo lagu eedeeyey iskuday afgambi waxaa lagu xukumay min 15 sano oo xarig ah, inkasta oo dhammantood dadkaasi ay diideen eedda loo soo jeediyey.

Amiir Xamza oo dhacdadaasi wixi ka dambeeyey aan meel fagaara ah lagu arkin, Boqorka Urdun wuxuu sheegay Amiirka inuu warqad uu soo gaarsiiyey.

Waxyaabaha warqadda amiirka ku qornaana waxaa ka mid ahaa: "Sanadkii hore dalkeenna wuxuu wajahay xaaladdii ugu adkeyd ee soo marta taariikhda uu dalkan jiray."

"Waan khaldamay, Boqoroow khaladkaygana waa mid aan cid walba ka galay, marka aniga ayaa mas'uul ka ah go'aannadii aan qaatay iyo dambiyadii aan galay intaba. Sanadihii la soo dhafayna dalkeenna wuxuu wajahay xaalad aad u adag, oo iska horimaad horseedi lahaa," ayuu yiri.

"Boqorow arrimahaasi oo dhan waan kaa raalli gelinayaa, waxaanna ogahay inaad i cafin doontid."

line