Maxay yihiin Xerta hubeysan ee Baxdo ee mar kasta casharka u dhigta Al-shabaab?

Misaajid ku yaalla degmada Baxdo
Qoraalka sawirka, Misaajid ku yaalla degmada Baxdo oo ay haleeleen qaar ka mid ah rasaastii la is weydaarsanayay
Published

Dagaal sababay khasaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo sameeyay iska caabbin iyadoo gaadiid qaraxyo siday oo ay Al-Shabaab weerarka ku billaabi rabtay ay suurtagali weyday in ay qarxaan, kuwaas oo la qabtay sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo ay BBC-da la hadashay ayaa sheegay in saakay aroonimadii hore ay Al-Shabaab soo weerartay degmada Baxdo, iyagoo isku kala qeybiyay afarta xaafad ee degmada kaddibna rasaas billaabay.

"Markaas kaddib dadka deeganka iyo ciidamada daraawiishta ee Galmudug oo duleedka magaalada ku sugnaa oo aad uga feejignaa kooxda Al-Shabaab ayaa dhexda gashtay, dagaal saacado socday kaddibna inta badan kooxdii weerarka soo qaadday waxay noqdeen wax la dilo iyo wax la qabto iyo kuwo firxada," ayuu yiri wasiir Falagle.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in afar gaari oo ay Al-Shabaab xaafadaha u kala qeybiyeen oo ay ugu talagaleen inay ku qarxiyaan aysan amar Alle qarxin, oo laga gaaray iyagoo aan qarxin.

Wuxuu xusay in 3 ka tirsan gawaaridaas laga furay qaraxa, mid kalena markii uu wareysiga bixinayay lagu howlanaa sidii looga furi lahaa, loogana hortagi lahaa in ay waxyeello soo gaarto dadka.

Wasiirka oo ay BBC-du weydiisay waxa ka jira in dadka deegaanka oo ay horkacayaan culimada keliya ay iska difaaceen Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada daraawuushta Galmudug ay qeyb ka ahaayeen dagaalka, blse waxa uu sheegay inay si karti, geesinnimo iyo hufnaan leh ay uga qeyb qaateen dagaalka.

"Geesinimadooda, kartidooda iyo awooddooda oo muuqata awgeed ayaa loogu maleeyay in keligood ay ka qeyb-qaateen dagaalka balse ciidamada Galmudug oo markii horeba meesha loo geeyay inay deegaanka difaacaan ayaa kaalin lixaad leh ka qaatay."

Degmada Baxdo
Qoraalka sawirka, Degmada Baxdo

Khasaaraha soo gaaray dhanka degmada Baxdo waxa uu wasiirku ku sheegay in ilaa 3 carruur ah oo ay guryahooda xabaddu ugu gashay iyo sheekh laga yaqaanno deeganka oo lagu magacaabi jiray Salaad Warsame Cabdi ay dhinteen, dhowr qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Wax badan ka ogow xerta hubeysan ee Baxdo ee mar kasta casharka u dhigta Al-Shabaab?

Maxaabiis laga qabtay Al-shabaab
Qoraalka sawirka, Maxaabiis laga qabtay Al-shabaab

Dadka inta badan ka hortaga Shabaabka waa dad deegaanka deggan, waxayna u badan yihiin dad xer ah oo ah xerta loo yaqaanno Suufiyada gaar ahaan Axmadiyada. Saldhiggooda ugu weyn waa masaajidka jaamaca ah ee magaalada Baxdo. Halkaas ayay joogaan oo ay kitaabbada ka raacdaan.

Waxaa u jooga mashaa'ikh ay mar walba ku xiran yihiin oo u ah hoggaamiyeyaal diimeedyo. Xertaas intooda badan qoysas iyo ganacsiyo ku leeyihiin magaalada oo ay deggan yihiin. Sidoo kale, dadka qaraabada la ah ama ay ehelka yihiin ee ku sugan deegaanka iyaga ayay mabda' ahaan taabacsan yihiin. Waa wadaaddo bulshada deegaanka Baxdo u ah indheer-garad. Sidaas daraaddeed, mar kasta oo la soo weeraro Baxdo iyaga ayaa ah ciidan oo ka hortaga.

Xertaan ma aha ciidamo abaabulan oo hub iyo ciidan iyo xeryo leh. Waa dad goonnidood u socda oo deegaanka ah. Laakiin, nin walba gurigiisa waxaa yaalla hub u gaar ah oo uu soo iibsaday. Dhowr jeer oo Al-Shabaabka ay soo weerartay magaalada qof walba gurigiisa ayuu ku laabtay, qorigiisa ayuu soo qaatay, wuxuuna billaabay weerar-celin. Dadka Baxdo ee dhowrka jeer weerarka kala hortagay Al-Shabaab, waa dad noocaas u shaqeeya.

Maxay uga duwan yihiin Ahlu-sunna?

Sawir hore: Waxaa jira kooxo la baxay Macawisley oo deegannada qaar kula dagaallama Al-Shabaab
Qoraalka sawirka, Sawir hore: Waxaa jira kooxo la baxay Macawisley oo deegannada qaar kula dagaallama Al-Shabaab

Farqiga u dhaxeeya waa in Ahlu-sunnada joogta Gobollada dhexe ay yihiin rag abaabulan, hubeysan, rabana in ay dad maamulaan oo xukun doonaya. Sida aan ka war-heynana dhowr mar ayay weerarro kala hor yimaadeen Dowlad-goboleedka Galmudug, markii ugu dambeysayna caasimadda ayay soo weerareen.

Hase yeeshee, xerta joogta Baxdo intooda badan waa dad rayid ah oo aan ahayn xukun-doon oo magaaladooda deggan, laakiin raba mabda'oodaas iyo deegaankoodaas in ay xor u ahaadaan oo cid kale oo dibadda ka timid aysan ku maamulin. Inkastoo ay aamisan yihiin oo ay rabaan maamul ahaan in ay hoostagaan Galmudug oo Baxdo ay ka mid tahay meelaha hoostaga.

Deegaanka Baxdo

Baxdo waa magaalo ku taalla gobolka Galgaduud, dhinaca koonfur-bari ayay qiyaastii 90 km ka xigtaa degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Waa deegaan yar, waxaana ka dhisan maamul aan xoogganayn oo ciidamadiisa iyo tasiilaadkii kale ee uu wax ku fulin lahaa aysan u dhameystirneyn . Magaaladu waxay ku tiirsan tahay dadka deggan.

Hubka ay haystaan dadka Baxdo

Soomaaliya sida uu burburka uga dhacayba hubku meel kasta ayuu yaallaa, gacantana wuxuu u galay shacabka.

Gobollada dhexe ee Soomaaliya waxay ka mid yihiin goobaha weli uu hubku ku jiro gacmaha dadka. Qof walba oo shacab ah isaga ayaa hubkiisa iyo rasaastiisa soo iibsada, ismaalgeliya, oo qorigiisa iska leh. Hubka ay xerta iyo dadka kale ee deegaanka ku dagaal-galeen iyagaa soo iibsada, waxayna ka soo iibsadaan suuqyo lagu iibiyo oo deegaannada ku yaalla.