Qof ayaa dhintay tobanna waa dhaawac

Published
Qof ayaa ku dhintay tiro ka badan 10 qofna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray dab maanta qabsaday xero qaxooti oo ku taal magaalada Bosaso oo ay ku gubteen guryo ay tiradoodu ku dhowdahay 2000 oo aqal.
Dabkan ayaa la sheegayaa inuu baabi'iyay laba meel marka saddex loo qaybiyo guryaha ku yaallay xerada qaxootiga ee Shabeelle oo ka mid ah meelaha ay ku nool yihiin dadka ugu faraha badan ee ka soo barakacay gobollada koofureed ee Soomaaliya.
Waa dabkii saddexaad ee ka dhacay xeryaha qaxootiyada Bosaso sannadkan tan iyo intii la guda galay xilliga xagaaga oo ay gobolka ka dhacaan dabaylo aad u xoog badan taas oo ay sii caawisay guryaha ka samaysan cooshada kuwaas oo u nugul in dabku si fudud u qabsado.



















