UNHCR : Noqoshada qaxootiga oo yaraatay

Published
Hayadda Qaramadda Midoobay ee qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay, in tirada qaxootiga ee waddamadooda ku noqonaya ay ahayd tii ugu yarayd mudo labaatan sano.
Warbixinteeda sanad laha ayay UNHCR ku sheegtay, in rubac malyuun qaxooti ah ay wadankoodii ku laabteen 2009 kii, markii la bar bar dhigo milyan qof oo sanad walba noqon jiray sandihii u danbeeyay.
Hayadda ayaa sabab uga dhigtay yaraanshada tirada dadka ee wadankoodii ku noqday, dagaalada ka socda Afganistaan,Soomaaliya iyo Congo iyo Ciraaq.
Hayadda waxay sheegtay inay korortay dadka ku bara kacay waddanka gudahiisa, oo ay gaarayaan ilaa 27 milyan.



















