Madaxwayne Sheekh Shariif oo ka hadlay 26-ka June

Madaxwaynaha Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Sheekh Shariif Sheekh Ahmed
Published

Munaasabadda 26-ka June, ayaa madaxwaynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu ka hadlay dadaalkii loo soo maray midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwayne Shariif, ayaa ku ammaanay Somaliland doorashada ay u dareereen, wuxuuse ugu baaqay in ay noqoto mid looga faa'iidaysto dhinaca midnimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay jireen khaladaad horay loo galay oo aan wali la sixin, kuwaas oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in wax laga qabto. Wuxuu intaas ku daray in midnimada Soomaaliyeed awgood ay ka go'an tahay dowladiisu in ay samayso tanaasul intii loo baahdo.

Madaxwaynaha, ayaa sidoo kale ka hadlay in 50 sano kadib ay nasiib darro tahay in la raadiyo midnimo ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu ka hadlay oo kale dhibaatada haysata Soomaalida meel kasta oo ay joogaan. Waxaa ka mid yihiin barakaca, dadka badaha ku dhinta iyo amni xumada iyo dhaqaale daridda ka jirta gudaha dalka.