Dagaal culus oo Muqdisho ka socda

Ciidamada Alshabaab
Qoraalka sawirka, Ciidamada Alshabaab
Published

Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa bilaamay saakay siddeedii subaxnimo, waxaana qaaday dagaalka ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM.

Dagaalka ayaa ka socda degmada Cadicasiis iyo agagaarka Hotel Global.

Goobta dagaalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Shariif Shiikh Axmed oo ay la socdaan taangiyada ciidamada AMISOM.

Inta la ogyahay 18 qof ayaa dagaalka ku dhintay, dhaawucuna wuxuu kor u dhaafay 50.

Degmooyinka ay dadka ku dhinteen ayaa waxaa ku jira Kaaraan,Yaqshiid iyo Boondheere, xaafadda Suuq Bacaad iyo hareeraheeda.