Waayeel lagu dilay Muqdisho

Rayidka ku dhaawacma dagaalada Muqdisho
Qoraalka sawirka, Rayidka ku dhaawacma dagaalada Muqdisho
Published

Dagaalka ka socda Muqdisho saddexdii maalmood ee na soo dhaafay, ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 30 ruux, dhaawucuna wuxuu kor u dhaafay 100.

Dadka rayidka ah ee dagaalka ku dhintay waxaa inta badan laayay madaafiicda aan bartilmaameedka lahayn.

Maxamed Axmed Qaddiim iyo Madiina Xasan Maxamuud, oo ah laba ruux oo waayeel ah oo isqaba, ayaa ka mid ah dadka ay madaafiicdu dileen.

Gurigooda hortiisa nin marayay oo rayid ah ayaa madfac ku dul habsaday.

Maxamed Axmed Qaddiim iyo xaaskiisa Madiina, waxay u gurmadeen qofkii madfucu ku dhacay, ka dibna iyaga ayaa madfac ku soo dhacay labadiibana waxay ku dhinteen gurigooda hortiisa.

Maxamed Axmed Qaddiim, wuxuu ahaa 77 jir, xaaskiisa Madiina Xassan Maxamuud, waxay ahayd 71 jir, waxayna degganaayeen xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Labadaan ruux oo waayeelka ah, dhimashadooda waxaa BBC soo gaarsiiyay wiilkooda Cismaan Maxamed Axmed, oo deggan dalka Mareykanka.

Waxay ka mid yihiin dadka tirada badan ee rayidka ah, oo madaafiicda lagu dilay saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay magaalada Muqdisho.

Su'aashu waxay tahay yaa ka mas'uul ah dilka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee iyaga oo guryahooda iyo suuqyadooda ku sugan madaafiicda lagu dilayo?