Soo saaridda macdan-qodayaasha Chile

Rajo weyn ayaa laga qabaa in si dhakhso ah, maalmo gudahood, looga soo wada saaro macdan-qodayaashii dalka Chile ee ku xannibnaa dhulka hoostiisa muddo 2 bilood iyo badh ah.
Shaqaalahani, oo dhan ilaa 33, waxay ku xannibnaayeen god hoos u qodan in ka badan 700 oo mitir, ka dib markii uu ku dumey ee uu awdmey daloolkii loogu talo galay inuu u noqdo marin godkaasi laga galo, lagana soo baxo.
Godkaasi waxa loo qoday in dhulka hoostiisa laga soo saaro macdanta dahabka, iyo naxaasta loo yaqaan copper, waxayna ku taal degaanka loo yaqaan San Jose ee dalka Chile.
Waxana laga cabsi qabey in beri hore ay ku wada dhintaan godkaasi.
Llaakiin, nasiib wanaag waxa la ogaadey in dhammaantood ay nool yihin, waxaa marba loo dusinayey gargaar deg deg ah oo ay ka mid yihiin cunno, biyo, iyo daawooyin.
Waxa kale oo laga baqayey in soo-saariddoodu ay qaadato muddo badan oo ilaa sanadkan dhammaadkiisa ah.
Laakiin waxa haatan la dhammaystirey godadkii kale ee laga barbar qoday goobtii ay ku aasnaayeen oo haatan la gaadhay guntii hoose ee ay ku sugnaayeen.
Godadkan cusubna waxa laga dhex dusin karaa wiishash gaar ah oo loogu talo galay in lagu soo daadgureeyo, qof-qof, shaqaalahaasi ku caddilan dhulka hoostiisa.
Waxana lagu qiyaasay in safarka qof kasta ay ku qaadan karto in uu u soo baxo ifka, ilaa saacad nuskeed.
Dedaalkani waxa si weyn uga dhur sugayaa qoysaskii iyo qaraabadii shaqaalahaasi, oo iyagu bilahan danbeba soo degey goobo u dhaw degaanka ceelashaasi macdanta ee dumey, si ay ula socdaan hadba xaaladdu meesha ay marayaso.























