Wasiirka dekadaha ee Puntland oo la sii daayay

Published
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in la soo daayay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda oo ay afduubtay burcad.
Wasiirka Saciid Maxamed Raage, ayaa la qabsaday maalmo ka hor waxaana la geeyay Jariiban, oo ay burcadda aad ugu badan tahay.
Laba qof ayaa ku dhintay weerarka ay burcadda ku qaaday baabuurta wasiirka.
Sii daynta wasiirka ayaa ka danbaysay wadahadal u socday odayaasha deegaanka iyo burcadda.



















