Muranka baarlamaanka ayaa mar kale soo noqday
Published

Ma ahan markii ugu horreysay ee la maqlo muran u dhexeeya xubnaha baarlamaanka dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya, markanaa qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka ayaa shaaca ka qaaday in waqtiga madaxweynaha uu ku egyahay kowda bisha soo socota ee Febraayo sidaa darteedna baarlamaanka looga fadhiyo u diyaar garoowga arintaasi.
Xubnaha baarlamaanka ee aragtidan qaba waxaa ka mid ah xildhibaan, Axmed cumar gaagaale, oo arrintaas uga warramay BBC-da.