Xuska xasuuqii Wagala ee 1984

Xigashada Sawirka, peter njoroge
Waxaa berrito ku aaddan xus loo samaynayo xasuuqii lagu magacaabay xasuuqa wagaala ee waqooyi bari kenya, kaasi oo ururrrada u dooda xuquuqda bani'aadamku ay ku qiyaasaan in dad ilaa 5 kun oo qof ah o ka tirsan soomaalida kenya lagu laayey halkaasi sanaddii 1984-kii.
Xuskanna waxaa lagu qabtaa magaalada Wajeer oo uu haatan joogo weriyahayaga Bashkas jugsoodhacay. Bashkash waxaa uu la kulmay wasiirka horumarina gobollada Woqooyi bari Kenya, Mohamed Elmi, oo ka mid ah wufuudda iyo madaxda ka qayb gelaysa xuskaasi Wagaala, waxaanu uga warramay qaban qaabada xuska sanadkan iyo madaxda kale ee la filayo inay yimaaddaan
Xasuuqaasi waxaa uu dhacay waqtii uu xukunka dalka Kenya hayay madaxweynihii hore ee Daniel Arab Moi, welina waxaa socota baaritaan lagu sameynayo dhacdadaasi si maalin uun sharciga loo horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi oo kooxaha xuquuqda aadanuhu ku tilmaamaan inuu ahaa mid bani'aadanimada ka baxsan.