Taariikh nololeedkii Axmed Jaamac Jengeli

Axmed Jaamac Jengeli
Qoraalka sawirka, Axmed Jaamac Jengeli
Published

Marxuumku waxaa uu ku soo barbaaray, waxna ku baratay dalka Yemen, sida uu BBCda u sheegay Xaashi Abiib oo muddo aad u dheer ay is-yaqaaneen, lana shaqeyn jiray.

Jengeli waxaa uu maamulladii dalka Soomaaliya ka soo qabtay jagooyin ay ka mid yihiin: Barasaab gobolkii Hargeysa 1960-yadii.

Markii milaterigu dalka qabsaday waxaa uu noqday wasiirka arrimaha gudaha. Muddo kaddibna waxaa uu noqday wasiirka arrimaha dibadda. Markii dambana waxaa uu noqday safiirka Soomaaliya ee magaalada London.