Cameron oo ka walaacsan xagjirnimada
Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa BBC u sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xag jirnimada Soomaaliya ka jirta ee Islaamka qiil looga dhigayo.
Wareysi uu siiyay Laanta Soomaaliga ee BBC, David Cameron, waxaa uu sheegay in al Shabaab oo dhul weyn gacanta ku haysaa ay khatarteeda nabadgelyada adduunku ay tahay mid dhab ah culusna.
Waxaa uu sheegay Ra'iisal Wasaaruhu in uu ka walaacsan yahay dhallinyaro British ah oo ka soo jeedda Soomaaliya oo maskaxda laga qabsanayo si ay al Shabab ugu biiraan, uguna dagaallamaan.
Dowladda Britain waxay marti gelineysa shir caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya oo berrito ka dhacaya London.
Waxaa looga arrinsanayaa qodobba ay ka mid yihiin istrateejiyada ammaanka, burcad badeedda iyo gargaarka Soomaaliya.
Shirka waxaa ka soo qeyb geleya in ka badan afartan hoggaamiye siyaasadeed oo ka socda Afrika, Bariga Dhexe iyo caalamka kaleba.



















