
Garissa waxaa ka dhacay weerarro iyo qaxayo tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya
Guddomiyaha Degaanka Garissa, Nadif Jaamac, ee dhawan loo soo doortay xilkaas, ayaa uga digay dhallinyarada ka baxday Iskuullada Islaamiga ah inay ku biiraan kooxaha uu ku tilmaamay inay yihiin xagjir.
Nadif Jaamac waxaa uu ka hadlay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday wax ku barata Madrasada Najaax, oo ah tii ugu horreysey ee laga dhisay magaaladaas.
Dilal qorsheysan iyo weerarro bambaano ayaa magaalada ku soo noqnoqonayay tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2011-ka.
Nadif waxaa uu sheegay in uu la shaqeynayo saraakiisha ammaanka si wax looga qabto xaaladda amni darro ee ka jirta magaalada.
Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada oo BBC-du ay la hadashay ayaa sheegay in dhexda ay u galeen dabley hubeysan iyo ciidan nabad sugineed oo arxan daran.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay saraakiisha ammaanka inay sugaan amniga magaalada Garissa sida ay u sugeen kan Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee gacanta ay ku hayaan ee gudaha Soomaaliya.
Tan iyo doorashooyinkii ugu dambeeyey ee Kenya laga qabtay bishii saddexaad ee March, waxaa jiray loollan u dheexeya dowladda dhexe iyo dowladaha degaanka oo la xiriira dowrka dowladaha hoose ay ku leeyihiin sugidda amniga.