
Ciidan ka tirsan boliiska London
Boliiska kahortagga argagixisada ee Britain ayaa baaritaan ku sameynaya weerar la tuhunsan yahay in si ula kac ah dab loo qabadsiiyay xarun mujtamaca Soomaalida oo ku taallay woqooyiga London habeenkii xalay, taas oo khasaare weyn uu gaaray.
mudane baarlamaan oo deegaankaas ka tirsan, Theresa Villiers waxay falkaas ku tilmaantay dembi nacayb laga yaqyaqsoodo, waxayna bulshada ka codsatay inaysan oggolaan in xagjireyaasha rabshadaha doonaya ay dadka kala qaybiyaan.
xarumo dhowr ah oo Muslimiin ay leeyihiin ayaa la weeraray tan iyo markii xagjireyaal la tuhunsan yahay oo Islaami ah ay waddo London ka tirsan ku dileen askeri aan markaas shaqo ku jirin labo toddobaad kahor.