Kismaayo dagaal ayaa ka socdo

Published

Dagaal culus ayaa lagu soo warramayaa inuu ka qarxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo ciidamo maliishiyo ah oo kala taageersan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Dagaalka ayaa ka bilowday aargada magaalada Kismaayo, waxaana hadda uu ka socdaa xaafadda Far Jano ee isla magaalada.

Wararku waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay isu isticmaalayaan noocyada kala duwan ee hubka.

Magaalada Kismaayo ayaa intii muddo ahba muran uu ka taagnaa kadib markii looga dhawaaqay maamullo iska soo horjeeda oo kala taageersan labada nin.