Mustaqbalka madaxweynaha CAR

CAR
Qoraalka sawirka, Dagaal u dhexeeya Muslimiinta iyo Kristaanka ayaa ka socda dalka Afrikada Dhexe
Published

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la filayaa in culays lagu saaro inuu is casilo shir ay waddamada gobolka ku leeyihiin magaalada N'Djamena ee Chad.

Michel Djotodia ayaa lagu eedeyanayaa inuu ku fashilmay inuu xakameeyo dagaalka u dhexeeya Muslimiinta iyo Kiristaanka.

Balse mas'uuliyiinta dalkaas Afrikada Dhexe waxay sheegayaan in is casilaadda Djotodia aanay ku jirin ajendaha shirka.

Jabhadda Seleka aya afgembi ku qabsatay xukunka dalkaas oo talada u dhiibtay madaxweynihii ugu horreyay ee Muslim ah.

CAR
Qoraalka sawirka, Dibedbaxyo looga soo horjeeda madaxweyne Michel Djotodia

Madaxweynihii hore ee dalkaas, Francoise Bozize, oo ka soo jeeda dadka Kiristaanka ee dalkaas u badan, ayaa lagu qasbay inuu dalka isaga baxo.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda dalkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay Chaloka Beyani ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ka soconaya dalkaas uu ku qasbay nus malyuun ruux inay barakacaan.

Waxay ku nool yihiin xeryo ku yaalla duleedka caasimada Bangui.

Sarkaalku waxa uu sheegay in loo baahan yahay 750 milyan oo doollar si dadkaas loola gaaro cunno, biyo iyo dawooyin.

In badan oo ka mid dadkaasi waxay ku jiraan xeryo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Bangui.