Soomaaliya iyo Somaliland oo shiray

Somalia
Qoraalka sawirka, Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa furmay
Published

Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka furmay Turkiga iyadoo aanay caddayn in qodobka gooni isu taagga Somaliland laga hadli doono.

Waa markii afaraad ee dhinacyadaan ay kulmaan tan iyo markii ay wadahadallada bilawdeen sanadkii 2012-kii.

Kulankan ayaa waxa uu socon doonaa muddo afar maalmood ah oo dhinacyada shirkani ka qeyb galaya ay ka wada hadli doonaan ajeendaha shirka.

Somaliland ayaa horey u sheegtay in qodobka gooni isu taagga Somaliland lagu soo qaadi doono shirkan.

Balse Dowladda Federaalka ma xaqiijinin in arrintaas laga wadahadali doono.

Labada dhinac ayaa si weyn isugu khilaafsan midnimada Soomaaliya iyo gooni isu taagga Somaliland.

Balse waxay horey u saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashi dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha ah.

Wafdiga dowladda federaalka waxaa hoggaaminaya sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha, halka wafdiga Somaliland uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda.