Gabar tafatire ka noqotay Sacuudiga

Dumarka Sacuudiga
Qoraalka sawirka, Culimada Sacuudiga ayaa ka soo horjeedo dumarka ka garab shaqeeya ragga
Published

Gabar u dhalatay dalka Sacuudi Carabiya ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee tafatire ka noqota wargays ka soo baxa dalkaas.

Summaya Jabarti ayaa loo magacaabay inay noqota tafatiraha wargayska ku soo baxa af Ingriiska ee lagu magacaabo "Saudi Gazette".

Waxay baddelaysaa Khalid Al-Maanic oo xilka ka dagaya.

Waxaa uu sheegay in Summaya ay guushan ku gaartay shaqadeeda wanaagsan.

Waxaa uu ku tilmaamay inay tahay qof firfircoon oo dadaal badan.

Culimada dalka Sacuudiga ayaa inta badan ka soo horjeeda dumarka ka garab shaqeeya ragga.

Summaya ayaa muddo 17 sano ah ka shaqaynaysay wargaysyada ku hadla afka Ingriiska ee ka soo baxa dalka Sacuudi Carabiya.