Ruushka iyo Yurub oo isku khilaafay Kiev

Ukraine
Published

Ruushka iyo Midowga Yurub ayaa isku khilaafay rabshadaha ballaaran ee ka socda Ukraine ee ay ku dhinteen 25 ruux.

Madaxweynaha Ruushka ayaa mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan rabshadaha oo ay dib ugu noqdaan wadahadalka.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay doonayaan inay cunaqabatayn ku soo rogaan dowladda Ukraine, iyagoo ku eedeeyay inay dhiig gacmaha la gashay.

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay isku dhacyo dhexmaray boliiska iyo dibedbaxayaal caasimadda Ukraine.

Boliiska ayaa weerar ku qaaday goob ay xarun ka dhigteen dibedbaxayaasha dowladda ka soo horjeeda.

Booliska ayaa isku dayay in ay xoog ku kala eryaan dibedbaxayaasha ku sugan fagaaraha Maidan ee caasimada Kiev.

Dibedbaxyaasha ayaa iyaguna booliska ku tuuray dhagxaan iyo bambooyin laga sameeyay dhalooyin.

Madaxweynaha dalkaas Victor Yanukovych ayaa hoggaamiyayaasha mucaaradka ku eedeeyay inay mas'uul ka yihiin qalalaasaha ka socda Kiev.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dibedbaxayaasha inay ka fogaadaan dadka uu ku tilmaamay xagjirka.

Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka oo lagu magacaabo Vitali Klitschko, ayaa isaguna sheegay in xaallada ay faraha ka baxday.

Dibedbaxyada waxay billawdeen dabayaaqadii bishi November kaddib markii dowladdu ay ku gacansayrtay heshiis dhanka dhaqaalaha ee ay la geli lahayd Midowga Yurub.

Kiev
Qoraalka sawirka, Iska hor imaadyo ballaaran ayaa dhexmaray boliiska iyo dibedbaxayaasha
Ukraine
Qoraalka sawirka, Boliiska ayaa adeegsaday sunta dadka kaga ilmaysiisa
Ukraine
Qoraalka sawirka, Dibedbaxayaashu waxay boliiska ku tuurayeen dhagaxaan iyo dhalooyin.
Ukraine
Qoraalka sawirka, Mucaaradka ayaa doonaya doorashooyin cusub
Ukraine
Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa ku dhintay qaarna way ku dhaawacmeen rabshadaha

Dowladda ayaa u leexatay dhanka Ruushka oo ay la gaartay heshiisyo dhaqaale oo ballaaran.

Dadka rabshadahan ugu dambeeyay ku dhintay waxaa ku jira 6 askari oo boliis ah.

Rabshadahan ayaa ah kuwii ugu xumaa tan iyo markii ay dalkaas ka billaabatay xiisadda siyaasadeed.