Qarax gilgilay caasimadda Nigeria

Abuja
Qoraalka sawirka, Qaraxyada ayaa haatan u muuqda inay u gudbeen caasimadda Nigeria
Published

Madaxa hay'adda maareynta gurmadka degdega ee caasimada Nigeria, Abuja, ayaa BBC-da u sheegay in 19 qof ay ku dhinteen, 60 kalena ay ku dhaawacmeen qarax bambaano ah oo xalay magaaladaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay Nyanya, oo ah goob u dhaw meel gawaarida laga raaco, halkaasi oo laba todobaad ka hor qarax ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 70 ruux.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Kooxda Boko Xaraam ee dalkaasi Nigeria ka dagaalanta ayaa horay u fulisay weerarro kale oo horey uga dhacay Abuja.

Qof goobjooge ah ayaa BBC u sheegay in uu arkay maydad yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Weli ma jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay qaraxa.

Weerarrada abaabulan ee Boko Xaraam ayaa inta badan ka dhici jiray waqooyi bari Nigeria.

Balse qaraxii 14-kii bishii Abriil ayaa sare u qaaday cabsida ah in maleeshiyada ay isku dayaan in ay ballaariyaan deeganada ay ka howlgalaan.