Dad ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Libya

Published

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dadaalka gurmadka ee tobanaan muhaajiriin ah looga badbaadiyay doon ku degtay xeebaha dalka Libya.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay , iyadoo in ka badan laba boqolna laga soo saaray biyaha.

Doonta

Weriyaha BBC uga soo waramma Rome, Alan Johnston ayaa ka waramaya sharaxaad laga bixiyay haweenay Soomaali ah oo ilmaheeda ka badbaadisay biyaha:

Doonta ayaa oo kaliya konton mayl ka soo baxday xeebaha dalka Libya markii dhibaatadu ay ku dhacday.

Kooxdii ugu horaysay ee gurmadka ee gaarta waxay ahaayeen dhaqaatiir ka tirsan hay'ad gargaar oo la yiraahdo Order of Malta.

Waxay sheegtay in xilligaas ay u tageen doonta degtay wali qayb yar oo ka mid ah ay hirka dushiisa ka muuqatay, balse in yar kadib ay doonta oo dhan badda gashay.

Hooyo Soomaali ah

Dadka la soo badbaadiyay waxaa ka mid ahaa haween Soomaali ah oo la yiraahdo Amina. Waxay ku dhagaynayd alwaax yar, iyadoo xoog ugu dadaalaysa in wiilkeeda afar bilood jirka ah madaxiisa ay biyaha ka kormariso.

Shaqaalaha gurmadka, ayaa u qaatay in uu ilmaha yar dhintay. Balse waxay ku duubeen buste, oo ay dhigeen meel diiran oo aan ka fogeyn matoor si tartiib tartiib ah ayaa ilmuhu dib ugu soo noqday.

Hooyadii ayaa laga soo saaray biyaha oo aad u qabow badan, iyadoo naf yar ku jirto, aadna u naxsan, balse si gaabis ah ayay u soo kabsatay, ugu dambayntiina awood u heshay in ay naas nuujiso ilmaheeda.

Dadkii kale ee doonta laga soo saaray ma badbaadin. 17 mayd ayaa doonta gurmadka la soo saaray, waxaana dhici karta in ay qaar kale oo dadkii saarnaa ah ay maqan yihiin.

Carada Talyaaniga

Talyaaniga, ayaa si caro leh uga jawaabay doontan ugu dambaysay ee degtay. Waxaa ciidamada badda iyo kuwa xeebaha ay joogaan oo ilaaliyaan badda ballaaran, iyagoo isku dayay in ay ka hortagaan dhibaatooyin kuwan oo kale ah.

Balse, waxay u muuqataa in taageero dheeraad ah uu Talyaanigu ka helay deriskiisa Europe.

Ra'iisul wasaaraha Talyaanigana waxaa uu si cad u sheegay in EU aysan tallaabo ku filan qaadin.

Wuxuu sheegay in ay u muuqato in ay diyaar u tahay badbaadinta bankiyada dhibaatada ku dhacdo, balse aysan badbaadbinaynin muhaajiriinta badda mediterranean-ku ay liqayso.