Obama oo Ruushka cambaareeyay

Published
Madaxwayne Obama ayaa Ruushka uga digay waxa uu ugu yeedhay xeeladaha madmadow ee Ukraine ay u adeegsanayso.
Obama waxaa uu sheegay in ay dhamaadeen maalmihii imbaraadoriyada oo saamayn badan lahaan jirtay.
Islamarkasna laga gudbay xiliyadii dawladaha waawayn ay u xoogsheegan jireen dawladaha yaryar.
Waxaa uu sheegay in wadamada xorta ah ay u babacdhigi doonaan daandaansiga Ruushka, waxaana uu sheegay in Ruushku ay halis u yihiin in lasaaro takor dheeri ah.



















