Jabuutiyan lagu weeraray Buulo burde

AMISOM
Qoraalka sawirka, Ciidammada AMISOM ayaa dhowr magaalo ka saaray ururka Al-Shabaab
Published

Wararka ka imaanayo Buulo Burde ayaa sheegaya in weerar miino lala beegsaday ciidammada Jabuuti ee AMISOM ka tirsan ee ku sugan halkaas.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegay in dhowr askari ay halkaas ku dhaawacmeen.

Magaalada Buulo Burde ayaa go'doon tan iyo markii ciidammada AMISOM ay la wareegeen dhowr bilod ka hor.

Waxaa magaalada sahayda lagu gaarsiiya dhanka cirka oo kaliye.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday magaaladaas.