Hoggaamiye diineed lagu dilay Mombasa

Published
Dablay hubaysan oo aan la garanayn ayaa madaxii ururka Imaamyada Kenya ku dilay magaalada Mombasa.
Waa dilkii ugu dambeeyay dhowr dil oo loo gaystay culamada Mombasa.
Sheekh Maxamad Idiris ayaa lagu dilay xaafadda Likoni, meel u dhaw gurigiisa xilli uu u socday Salaada Subaxa.
Sheekh Maxamad ayaa la sheegay inuu ka soo horjeeday "afkaarta fog" ee la sheegay inay ku soo badatay dhallinyarada magaalada Mombasa.
Dhowr toddobaad ka hor, waxaa magaalada lagu dilay Sheekh Abubakar Sharif Axmed oo la yeqaanay Makaburi, oo la sheegay inuu taageersanaa ururka Al-Shabaab.



















