Oscar Pistorious oo "niyad jabay"

Published
Marqaati difaacaya ciyaaryahanka Koonfur Afrika, Oscar Pistorius, ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin niyad jabay.
Dr Lore Hartzenberg, oo ah dhaqtarka dimirka ee Mr Pistorius, ayaa u sheegay maxkamadda in ciyaaryahanka uu ka niyad jabay in uu lumiyey qadarintii uu ku dhex lahaa bulshada.
Waxaana uu sheegay inuu dareemaya inuu noqdey qof aan micno lahayn.
Mr Pistorius, ayaa bishii la soo dhaafay lagu helay dil aan ku talagal ahayn in uu u geystay gabar ay saaxiibba ahaayeen.
Waxaana hadda dib ugu laabtay maxkamadda si loogu rido xukun.
Dhageysiga dacwaddan ayaa la filayaa in ay socoto maalmaha soo socda.
Qareennada difaacaya ayaa maxkamadda ka codsatay in xukunka loo qafiifiyo, iyagoo ku doodaya in ciyaaryahankan uu dhibaatooday in ku filan.



















