Askari Soomaaliya u socday oo Ebola lagu arkay

Xigashada Sawirka, AFP
Published
Askari reer Sierra Leone ah oo ka mid ahaa guuto u diyaar garoobaysay Soomaaliya ayaa lagu arkay cudurka Ebola.
Sierra Leone ayaa qeyb ka ah ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay in la karantiilayo dhamaan guutadaasi heeganka u ahayd Soomaaliya dhacdadaasi kaddib.
Waa markii ugu horreysey oo cudurka Ebola ee ka dilaacay Sierra Leone uu saamayn ku yeeshay ciidammada nabadilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.



















