JDK: Maxaabiis ka baxsatay xabsi

Xigashada Sawirka, Reuters
Published
Rag hubeysan ayaa weeraray xabsi ku yaala Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, iyagoo sii daayay ku dhawaad 4 boqol oo maxaabiis ah.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Butembo oo ku taal waqooyiga gobalka Kivu habeenkii Sabtiga.
Afhayeen u hadlay dowladda Congo, Lambert Mende, ayaa xaqiijiyay jabsashada xabsiga balse wuxuu BBC-da u sheegay inay weli baarayaan duruufaha dagaalka.
Gobalka ayaa waxaa ka jiray dagaallo tobankii maalmood ee ugu dambeeyay, iyagoo ku eedeeyay kooxda fagaalada Uganda ADF.



















