Kenya: Shan Alshabaab ayaan dilnay

Xigashada Sawirka, BBC World Service
Published
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay dileen shan qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, oo diyaarinayay inay weerar qaadaan.
Warfaafinta waddanka ayaa sheegaysa in arrintan ay ka dhacday magaalada xuduudda ee Mooyaale, iyadoo shanta nin ay doonayeen inay galaan Itoobiya.
Afhayeenka difaaca ayaa lagu soo waramayaa inuu sheegay in lagu qabtay nimanka boqol kilo oo waxyaabaha qarxa ah, iyo lix suunka la isku qarxiyo oo ku jira gaarigooda.
Wuxuu sheegay in nimanka ay xabado ku fureen ciidanka ammaanka kadibna ciidanka ay fureen xabadaha ay nimanka ku dhinteen.



















