Xasan Turki oo geeriyooday

Wararka ka imaanaya koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in uu xalay geeriyooday Sheekh Xasan C/laahi Xirsi oo loo yaqaanno Xasan Turki.
Geerida Xasan Turki waxaa xaqiijiyay ururka Al Shabab.
Idaacad ay leeyihiin al-Shabaab ayaa laga akhriyay taariikh nololeedkiisa.
Wuxuu ku geeriyooday Hargayso yareey oo ka tirsan gobolka jubada dhexe.
Wuxuu u geeriyooday xanuun hayay sanadihii u dambeeyay.
Waxa uu ka mid ahaa odayada dadka jihaad doonka ah,Waxa uuna hawshaas ku soo jiray tan iyo bilawgii sagaashameeyadii.
Wuxuu ka mid ahaa dadka uu Maraykanku aadka u doondoonayey.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa 2012 sheegtay in ay siin doonto 3 milyan oo doolar cidii keenta macluumad ku saabsan Xasan Turki.
Waxayna la xiriirisay weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daaralasaam.
Horaantii 2008 diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyay.























