Amniga dalka Kuwayt oo aad loo adkeeyay

Xigashada Sawirka, EPA
Published
Amniga goobaha shidaalka ee Kuwayt ayaa aad loo adkeeyay, kaddib weerarkii shalay lagu qaaday masaajid.
Dadka la weeraray ayaa ahaa Shiico salaadda Jimcaha ku tukanayay masaajid ku yaalla dalkaasi Kuwayt.
Dalkaasi waxa uu hadda galayaan maalin murugo ah oo ay u barooranayaan dadka ku dhintay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid lagu qaado shiicada Kuwayt.
Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi. waxaana ku dhimatay ugu yarraan 25 qof.
Kooxda ayaa Shiicada u aragto inay gaalo yihiin, waxayna dhowaantan weerar ku qaadeen laba masaajid oo Shiicadu ay leeyihiin oo ku yaalla Sacuudiga.



















